Dawlada Uganda ayaa ugu baaqday dawlada Soomaaliya in la dadajiyo dhisidda ciidamada xoogga dalka Somaaliyeed-ciidamo nidaamsan oo ka tabar badan sida haatan ciidamada SNA ay yihiin.
Taliyaha ciidanka difaaca Uganda Jeneraale Edwardo Katumba Wamala ayaa sidaa yiri shalay Isniintii mar uu booqasho ku yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Booqasho 3 maalmood ah ayaa uga socota Edwardo Katumba Wamala Muqdisho iminka.
Edwardo Katumba Wamala ayaa u kuur galaya iminka hawlgalka AMISOM gaar ahaan dufcada Uganda.
Edwardo Katumba Wamala ayaa ugu baaqay dawlada Soomaaliya inay dardar galiso isbaddalada wanaagsan ee lagu samaynaayo ciidamada ammaanka gaar ahaan ciidamada qalabka sida ee xoogga dalka Soomaaliya.
Edwardo Katumba Wamala ayaa barta twitterka ee ciidamada xoogga Uganda ee Defense Forces of Uganda ku qoray in loo baahan yahay dadajinta taaba galinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si buuxda oo waafi ah.
Edwardo Katumba Wamala ayaa intaa raaciyay in taaba galinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si buuxda oo waafi ah ay aad muhiim ugu tahay in ay hadhow kala wareegaan xilka sugidda ammaanka Soomaaliya ciidamada dalalka kale ee Afrika ee AMISOM.
Uganda ayaa ah dal Soomaaliya usoo dira ciidamo ka tirsan AMISOM iminkana ciidamo badan ayaa dalkaa ka jooga Soomaaliya.
Sidoo kale ayaa madaxweynaha dalkaasi Uganda Yuweri Kaguta Musaveni uu ka qeybqaataa dadaalada nabadda ee Soomaaliya.
Musaveni ayaa sheegay in badan inuu aad wax ugu taray Soomaalida gaar ahaan dadaalada nabadda iyo caawinta Soomaalida ku dhaqan dalkaasi Uganda.
warsom2011@gmal.com









