Xasan SHeekh oo kulan la qaatey xubnaha labada aqal ee Kismaayo lagu doortey.

0
347

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Xildhibaannada labada Aqal ee lagu doortay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Sheekh, ayaa horay ugu hambalyeeyay guushii ay ka gaareen doorashadii dhacday Kismaayo. Wuxuuna Kulan Dar-daarmay Xildhibaanada Labada Aqal ee Kismaayo lagu doortay inay ka shaqeeyaan Danaha Dadka Soomaaliyeed iyo kalsoonida siiyay iyo mida Guud Qaranka ee loo wakiishay.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay inay guulo waa weyn ay tahay in maanta Shacabka Soomaaliyeed iyaga oo jooga degaanadooda ay doorteen Shaqsiyaadka wakiilka uga noqon lahaa danahooda degaan iyo mid Qaran.

”Shacabka aad wakiil uga noqeysaan Baarlamaanka oo idinku aaminay inaad wakiil uga noqotaan danaha Qaranka ayaa idin ka sugayaa waajibaadkiinna.

ALLE ayaa mahad leh maanta waxay Somalia mareysaa in dad heerarkooda kala duwan oo ay iyagu wakiisheen u doortaan danahooda oo ay Baarlamaan maamul-goboleed iyo madaxdooda tahay ee shacabka degaanka u doorteen inay ka shaqeeyaan amuurahooda heer deegaan iyo haddii mid hHeer Qaran tahay oo ay idinku idin doorteen si aad ugu matashaan amurahooda Somalia oo dhan kala dhaxeeya sidaa awgeed waa horumar weyn oo ay Soomaaliya gashay,” ayuu ku yiri hadal uu Madaxweynuhu u jeediyay xildhibaannada labada Aqal ee Kismaayo lagu doortay.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray. “Dhismaha Maamul-Gobolleedka Jubbaland, waxay keentay wax lagu farxo oo ah in Siyaasiyiin badan oo idin ka mid ah in ay deegaanadooda yimaadeen oo ay Xildhibaanno u soo doonteen kuna Guuleysateen. Kaliya Doorashadu ma ahayn waxa ka dhacay Kismaayo ee waxaa la socday dib u Heshiisiin Maadaama Dadkii degaanada Jubbaland ay Kismaayo isku yimaadeen, si nabad iyo dimuqraadiyad ahna isku doorteen, si la mid ah dorashooyinkan dib u heshiisiinta la socoto waxay ka dhacayaan magaalooyinka Maamul-gobolleedka dhistay sida Baydhabo, Cadaado iyo Jowhar.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa mid mid uga Jawaabay Xildhibanada su’aalo ay weydiiyeen, kuwaa oo uu si waafi ah uga jawaabay Madaxweyne xilkiisu dhamaadey haddana ah musharax M/weyne Xasan Sh Maxamuud.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak