Sawirka Maanta iyo Amiinarts oo aan idiin hayno Qaran MUSUQ lagu waraabinayo.

0
619

Sawirka maanta aan idiin soo gudbineyno ayaa tilmaamaya Geed weyn oo la harsan jirey hase yeeshee markii Musuq maasuq biyo looga dhigey qalaley oo caleentii quruxdii iyo hooskii uu lahaan jirey ay wada lumeen isla markaasna uu wali waraabki musuqa lagu wado.

Ma jiraan cid ka hadleysa oo arintan lagala dhuumanayo waxaana muuqata in denbiga ay wada yeelanayaan inta aan ka hadleyn iyo in musuqa qaranka ku waraabineysa,waxeyna tani lamid noqoneysaa iyadoo la yiri Geedaha la manaafacsado halagu waraabiyo Dabka lagu gubto.

Akhristaw waxaa cad in maanta uu musuqa dalkeena ka jira yahey mid aan lala gambaneyn meel kastana galey iyadoo aaney jirin Cullimo iyo caamo ka hadleysa taasoo mustaqbalka dalka Mugdi gelin doonta,carro illaahna ay ka dhalan karto umadduna geli doonto Abaaro Colaado iyo Duufaanno xagga rabbi ka yimaada allaha naga badbaadshee.

sawir-gacmeedsawir-gacmeedsawir-gacmeedsawir-gacmeed