Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Galmudug ayaa ka hadlay soo gaba-gabeynta doorashadii xildhibaannada Aqalka Hoose iyo Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Galmudug ayaa waxaa heyado badan oo dawli ah iyo kuwo aan dawli aheynba waxey qireen in galmudug tahey halka ugu musuq maasuqa badneyd gobolada doorashadu ka dhacdey iyadoo ay jiraan dad loo diidey in ay tartamaan kuwo iyagoo salaad jimce ku jira la yiri tartankii wuu dhacey,Gabdho beelahoodi usoo asteeyeen kuraas oo laga boobey,iyo qaladaad fara badan oo kale.
Si kastaba ha ahaatee Beesha reer xaaji uleymaan ayaa waxa ay caddeeyeen in Kursiga HEYSAW ay beelaha lahi u doorteen SH C/qaadir Cali Cumar uuna isaga yahey xildhibaanka barlamaanka u metela sidoo kale kursiga beesha GAABANE loo asteeyey Gabadha Caasho Xaaji Cilmi ayna sharci aheyn cid kale oo loo boobey,loogana hareyn,sidoo kale waxaa jira beelo badan oo laga fara maroojiyey kursigoodii laguna fariisiyey dad kale oo aan iyaga metelin.
Haddaba, War-saxaafadeed ay Guddigu Doorasho ee Galmudug soo Saareen ayaa wuxuu u qornaa sidan:










