Deegaanka Goofguduud oo Maamulka K/galbeed u direen ciidan dheeraad ah.

0
618

Maamulka K/galbeed ayaa ciidamo dheeraad ah ku xoojiyay saldhigyada deegaanka Goofgaduud ee dulleedka magaalada Baydhabo oo dhawaan ay ka dhaceen dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Ciidammo booliis ah oo aad u hubeysan ayaa la geeyay deegaanka kuwaa oo qeyb ka noqonaya howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, gaar ahaan deegaanka Goofgaduud oo inta badan ay ka dhacaan dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowladda ee maamulka K/galbeed iyo Al-shabaab.

Saraakiisha ciidammada militariga K/galbeed ayaa dhawaan warbaahinta u sheegay in ay dileen 10 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab kaddib weerar ay ku soo qaadeen saldhig ciidammadooda ay ku lahaayeen deegaanka Goofgaduud.

Ciidammadan booliiska ah ee la geeyay halkaa ayaa lagula dardaarmay in ay shacabka soo dhaweysataan si markaa ay xog iyo macluumaad badan uga hellaan dhaq dhaqaaqda Al-shabaab, madaama shacabku yihiin kuwo ugu xog ogaalnimo badan ciidammada goobaha ay ku sugan yihiin iyo halka ay iska soo abaabulaan dagaalyahannada Al-shabaab.

Deegaankan Goofguduud ayaa noqdey meel dagaaladu si joogto ah uga dhacaan tan iyo waqtigii ciidamada Itoobiya ka baxeen deegaano hoos taga gobolada Baay iyo Bakool,waxaana ku waxyeeloobey kuna barakacey dad fara badan iyadoo abaarina u dheertahey,wax gargaar ah oo ay heleenna lama sheegin.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak