Barashada Diinta Islaamka Machad la xiriira online ah oo dhawaan la hirgeliyey.

0
947

Ayadoo bulshada Soomaaliyeed ay mudooyinkii u danbeeyay hormar ka sameeyneeysa dhanka isticmaalka farsamooyinka casriga ah iyo adeegsiga aaladda Internetka ayaa waxaa dhawaan laga hirgeliyay magaalada Hargeysa Machad hab Online ah loogu baran doono Diinta Islaamka.

Dugsiga barashada diinta Islaam ee Somali Islamic Online ayaa bilaabay koorsooyin lagu baran dooono casharro kala duwan oo diini ah oo ay ku bari doonaan macallimiin heerkooda waxbarasho sarreeyo.

Dugisga ayaa diyaariyay barashada Qur’aanka Kariimka ah iyo Culuumtiisa, Luuqadda Carabiga iyo casharro kale oo diini ah, waxaana uu qofka si toos ah ugala socon doonaa qeybta Online-ka ee Machadka, ayadoo ardeyga wax baranaya uu si wanaagsan uga bogan doono casharrada kala duwan ee la siinayo.
Maamulka Machadka ayaa sheegay in ay bixin doonaan culuumta kala ah;

1-    Barashada Qur’aanka iyo tajwiidka
2-    Axaadiis
3-    Caqiido
4-    Tafsiirka qur’aanka Kariimka
5-    Luuqadda Carabiga.

Hadaba bulshada Soomaaliyeed ee ku nool shanta qaaradood ee Dunida ee xiiseeysa maadooyinkani, waxay iska diiwaangelin karaan machadka, ayagoo kala xiriiraya Cinwaannada hoos ku xusan;
Tel: +252633427239 (Whatsapp iyo Viber)
Skype: [Somali.islamic.academy] ama emailka ah: Somali.islamic.academy@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak