SHaqaale u dhashey Talyaani Afduubna loogu heystey Liibiya oo dalka Talyaanigu xoog kusoo furtey.

0
525

Xukuumadda Talyaaniga, ayaa sheegtay inay Saddex qof oo Afduub loogu haystay dalka Liibiya illaa bishii September ee lasoo dhaafay awood lagu soo furtay, haatan ku sugan yihiin dalka Talyaaniga.

Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Talyaaniga, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in saddex ruux ee lasoo furtay ay Laba ka mid ah u Dhasheen Talyaani, Halka ruuxa kalena uu u dhashay dalka Canada, laguna soo furtay Hawl-gal la fuliyay Qaaday Goor habeen ah, kaasoo ay gacan ka geysteen Maamulka Heer Deegaan ee Ghat, oo ahayd halkii Afduubka loogu Haystay Saddexda ruux. Inkastoo aan la bixin faahfaahin intaas ka badan.

Sidoo kale, Labada ruux ee Talyaaniga ah oo ahaa farsamo-yaqaano u shaqaynayay shirkad ka shaqaysa dhismaha Garoonnada, ayay dableydu ka afduubeen deegaan Koonfur-galbeed Dalka Liibiya, iyadoo aan lagu soo daysan madax-furasho iyo wax kale oo dalab ah.

“Muwaadiniintan afduubka loogu haystay dalka Liibiya haystay, Waxaa lagu guuleystay in kooxihii ay u afduubnaayeen Saacadihii Hore ee Sabtida Maanta ah, Talyaaniga ayaana loo gudbiyay,” ayuu yiri afhayeenka Dowladda Hoose ee Magaalada Ghat ee Liibiya oo ahayd halkii afduubka loogu haystay saddexdan qof, Hassan Ottman.

Dhanka kale, Shirkado badan oo Talyaani ah ayaa ka Shaqeeya Waddanka Liibiya, iyadoo shaqaalaha shirkadahan ay inta badan Afduubaan Kooxaha hubaysan ee Dalkaas ka jira tan iyo intii ay nabad-galyadu faraha ka baxday.

Ugu dambeyn, Dalka Liibiya oo marin u ah muhaajiriinta ka cararaya colaadaha afrika iyo dalalka Carabta qaarkood marka ay doonayaan inay galaan Qaaradda Yurub ayaa waxaa ku sugan kooxo afduubta Tahriibayaasha, kuwaasoo lacago madax-furasho ah kusii daaya Cid waba oo ay afduubtaan.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak