Allaha u naxxariistee waxaa maanta muqdisho lagu diley Nabadoon caan ah isla markaasna culimo ahaa iyadoo lagu soo waramayo in ay dileen rag hubeysan oo dharka ciidamada wata,kuwaasoo watey gaari kuwa ciidamada ah.
Wadaadkan oo allaha u naxariistee lagu magacaabi jirey Heekh Cabdullaahi Axmed Rooble ayaa waxaa lagu diley wadada Maka almukarama gaar ahaan sarta Zoobe ee deg.Wadajir iyadoo la sheegayo in dilka wadaadku ku timid kadib rasaas ay fureen rag ku labisan dereyska ciidamada si wadada oo mashquul aheyd u furtaan.
Ragii dilka geystey ayaa goobta ka baxsadeen iyadoo gudoomiyaha degmada wadajir uu sheegey in baaritaano iyo dabagal ay wadaan soona heli doonaan gacan ku dhiiglaha iyo cidii denbiga ku taakuleysaba,sidoo kale waxaa falkan cambaareeyey Isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya,odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye iyagoo dhamaantood tilmaamey in dadka maalin walba lagu dilayo waddooyinka ay tahey dayac masuuliyadiisa ay qaadaneyso xukuumada iyo hey’adaha Amniga.
Maahan markii ugu horeysey ee sidaan oo kale loo dilo dad wax gal ah ayna toogtaan dad ku lebisan dereyska ciidamada kuwaasoo aan dib loo raacin marka ay falka geystaan,xitaa hadii la aqoonsado,waana falal soo noqnoqda oo muqdisho inta badan ka dhaca.








