Mid kamid ah 135tii odey dhaqmeed iyo saxiixayaashii oo sheegey in gud.Doorashada heer MG/ ee G/mudug uu ka cabanayo

0
364

Iyadoo ay jireen cabashooyin iyo gabood fallo lagula kacey oo  kasoo yeerayey Musharixiinta,Ergooyinka iyo beelahaka qeyb galayey Doorashada dadban ee ka dhaceysa Maamul goboleedyada dalka ayna dafirayeen dadka iyagoo iyagu wax doonaya hadana hawsha ka noqdey kuwo Fuliya,maamula hadana garsoora wixii khilaaf ka dhasho,isla markaasna ay dhankooda u weecinayaan wixii bulshada u dhaxeeyey ayna kuraas badan ku heleen Musuq maasuq,wax isdabamarin loo adeegsanayo awooda qaranka Lacago iyo handadaad.

Ayaa waxaa cabashadaas ku soo biirey mid kamid ah 135tii odey dhaqameed iyo Saxiixayaashii nidaamka doorashada dadban ee 2016ka kuwaas oo awood u lah in ay soo gudbiyaan Ergooyinka beesha u metelaya doorashada xildhibaanka Aqalka hoose waa Imaam Cumar Macalin Abshir oo cadeynaya in uu ergo u gudbiyey 27/10/2016 gudiga doorashada heer maamul goboleed ee G/mudug uuna gudoomiye u yahey ninka lagu magacaabo Xuseen Farmashiye kaas oo ilaa iyo waqtigan diidan in ergeda uu imaamku soo gudbiyey la xareeyo oo ay kursigooda doortaan.

Imaam Cumar Macalim Abshir ayaa warbaahinta iyo qabaa’ilka uu imaamka u yahey ee kursigaasi kadhaxeeyo u sheegey in Gudiga heer maamul goboleed ee uu gudoomiyaha u yahey Xuseen Farmashiye uu doonayo in uu dhaco kursigaas isagoo Imaamku sabab uga dhigey in la yiri Ergooyinka wax ka bedel in la yiri lacag qaado  isla markaasna uu diidey mar hadii uu diideyna wax aan aheyn in la dhaco aysan sugeyn,isagoo Imaamku intaas ku darey in ay wargeliyeen maamulka Galmudug iyo xubnaha guiga doorashada heer M/goboleed ayna waxba ka qaban waayeen oo illaa hada la diidanyahey xareynnta ergooyinkii uu soo qorey isagoo wacad ku marey in aan hal qof laga bedeleyn lacagna uusan ka qaadaneyn cidna wixii dhibaato ka yimaadana uu masuul ka yahey gudoomiyaha gudiga doorasha dadban ee heer M/goboleed XUSEEN FARMASHIYE.

Arrintan ayaa waxey ka marqaati kaceysaa sucad darro weynna u geysaneysaa Maamulka G/mudug iyo gudiga doorashada dadban ee heer maamul goboleed,waxeyna debedda soo dhigeysaa musuq maasuq baahsan oo ka jirey xildhibaanadii laga soo doortey Galmudug kuwaasoo Qaarkood Q/M iyo beesha caalamku go’aamiyeen in  mar kale doorashadooda lagu celiyo oo aysan waqtigan xildhibaano ansax ah aheyn,iyadoo keeni karta in dhamaan xildhibaanada kusoo baxey nidaamkan oo han lagu kalsoonaan waayo dadkuna ka biyo diidaan.

Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya iyo qaar kamid ah odayaasha Beelaha HAWIYE ayaa hore u qaadacey doorashadan diideyna in ay aqoonsadaan waxa kasoo baxa doorashafa waxa lagu sheegey balse ay iyagu u arkaan Dulmi iyo jawr fal dadka lagula kacey iyagoo qoraalo u direy qaramada midoobey,Yurub,Mareykanka Jaamacadda Carabta,Midawga Afrika,Igad iyo dhamaan dalalka daneeya arrimaha soomaaliya,kana codsadey in aan sharafta iyo karaamada umadda soomaaliyeed meel looga dhicin,loona garba duubin koox dano gaara leh mugdi gelinaya jiritaanka Qarannimo ee dadka iyo dalka soomaaliya.

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak