Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cali C/llaahi Cosoble oo ka hadlayay hoolka doorashada aqalka sare magaalada Jowhar ee lagu doortay xubnaha aqalka sare ku matalaya dowlad goboleedka Hirshabeelle Jamhuuriyadda Soomaaliya taasi uu ku tilmaamay guul taariikhi ah iyo tilaabo horey loo qaaday.
Dr Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa u hambalyeeyay xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Hirshabeelle ay doorteen, waxaana eebe uu uga baryay in uu u fududeeyo mas’uuliyada loo igmaday, iyadoo uu ka dalbaday shaqo hufan., waxaana sidoo kale xildhibaannada Hirshabeelle iyo guddoonkooduba ku ammaanay sida dimoqraadiyada ah ay u dooreen xubnaha aqalka sare maamulkani u matalaya dowladda dhexe ee Soomaaliya.
“Hambalyo hambalyo Xildhibaannada aqalka sare ku guuleystay ayaan leeyahay, sidoo kale baarlamaanka Hirshabeelle waan ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ay ka gaareen doorashada caawa soo gaba gabowday, waxaan ugu baaqayaa xildhibaanada aqalka sare ee guuleystay in si xilkasnimo leh ay u gutaan waajibaadkooda” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.
Madaxweynaha oo sii haday ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay labada xubnood ee dumarka ah islamarkaana ka mid noqday Xildhibaannada Aqalka Sare ee Hirshabeelle taasi uu ku tilmaamay talaabo horey loo qaaday oo ku dayasho mudan iyo dhiira galinta haweenka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in dowladda Hirshabeelle mudnaan gaar ah ay siineyso haweenka oo laf dhabar u ah bulshada.
“Ma noqon doono kuwa dhaha haweenka guryaha jooga laakiin waxaan noqon doonaa kuwa ka faa’ideysta haweenka aqoonta leh, waxaana ay ka dhex muuqan doonaan hey’adaha dowladda Hirshabeelle in la xaqiro haweenka marna ma ogolaan doono insha’allah” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa muujiyay howsha baaxada leh iyo naf hurnimada Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa Amisom sida habeen iyo maalin ay diyaarka u yihiin xaqiijinta Ammaanka, waxaana uu u mahad celiyay ciidamada doorka ay ka qaadanayaan in doorashadu u dhacdo jawi nabadeed.
Ugu dambeyntii madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa bogaadiyay guddiga doorashooyinka dadban ee heer gobol iyo heer Federaal sida xusul duubka ay ugu jiraan dar dargalinta arrimaha doorashooyinka, waxaana uu xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay rajeynayaan in ay ku soo dhameystiraan doorashada Xildhibaanada aqalka hoose si aynan uga dib dhicin howlaha doorashooyinka ay ka soconaya xaruumaha dowlad goboleedyada.
Dhawaan ayaa la filayaa in Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble uu soo magacaabo golaha wasiirada Maamulkani uu yeelanayo, iyadoo madaxweyne Cosoble uu xaqiijiyay in xukuumada uu soo dhisayo ay ka soo dhex muuqan doonaan aqoonyahano muhiim ay tahay in aqoontooda iyo siyaasadooda laga faa’ideysto walow horey uu u balanqaaday muujinta dhalinyarada iyo shaqo siintooda.
warsom2011@gmail.com








