Galmudug iyo doorashooyinka maanta oo xildhibaano cusub kasoo baxeen.

0
54

Maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa ka dhacey doorashada barlamaanka aqalka hoose ee federalka soomaaliya xubno u tartamayeykuwaasoo qaar kamid ahi ay la dhacsanyihiin hugaaminta Xasan sheekh iyo kooxda ku wareegsan,halka qaar cusub oo aan la ogeyn cidda ay raacsanyihiin ay barlamaanka xiligan kusoo biireen.

Ragga maanta soo baxey ayaa waxaa kamid ahaa Mahad Maxamed Salaad oo lagu xanto raga ay aad isugu dhawyihiin siyaasad ahaan Xasan sheekh horena isugu heystey wasiir iyo xildhibaan kana dhashey beelaha H/gidir gaar ahaan beesha Cayr sidoo kale maanta waxaa barlamaanka iyo siyaasadaba kusoo biirey ganacsade lagu magacaabo Siciid Nuur Giriish oo an la ogeyn cidda uu siyaasad ahaan raacsanyahey iyo qaar kale oo aysan noo suura gelin in aan magacyadooda xusno.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka imaanaya 34 kamid noqonaya xildhibaanada barlamaanka federalka sida ay doorashadu hada u socotana waa mid la wadaagta cabashada iyo caburinta ay ka sheeganayaan jufooyinka beelaha Ergooyinka iyo musharaxiinta intaba,waxaana lasoo sheegayaa in gaadiidka iyo ciidamada dawlada lagu cabsi gelinayo cidii ka hortimaada ama soo bandhigta cabashadeeda,dhanka kale Galmudug ayaa waxaa u dheer doorashada xilligan Dagaal ay kula jiraan deriskooda Puntland oo colaadi u dhaxeysey intii dhawr bilood ah,iyo Abaaro ku baahey deegaanada hoos yimaada maamulkaas.

Ugu danbeyntiina maamulka Galmudug ayaa dhaca bartamaha soomaaliya,dhaqaale ahaan waxa uu ku tiirsanyahey xoolaha nool iyo kalluumeysiga iyadoo gobolku leeyahey macaadin fara badan oo dhulka hoostiisa ku jirta taas oo aan wali hoos loo fiirin.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak