Laanta BBC-da qaybteeda la hadasha caalamka ayaa qorshaynaysa in adeegyo cusub ay ku soo kordhiso idaacad-da ka dib markii dowladda Ingriiska ay ku dhawaaq-day maal-galin cusub oo lagu balaarinayo BBC-da.
Barnaamij-yadan cusub ee ay bilaabayso BBC-da waxaa kamid ah kuwa ka hadlaya sayniska ,hal abuurka iyo doodo caalami ah oo loogu tala-galay in ay gaaraan malaayiin qof oo ku kala nool daafaha dunida.
“BBC-du waa il lagu kalsoon-yahay oo laga helo warar iyo macluumaad badan ,kuwaasi oo gaara dhagaystayaasheena, waqtigan la joogo waxaa jira adeegyo cusub oo aan soo kordhinay ,xilli isbadal caalami ah oo adduunka oo dhan ahi uu jiro “ ayuu yiri Mary Hockaday oo ah kormeeraha BBC-da qaybteeda luuqad-da Englishka.
“Maal-galintan cusub wax ay na siinaysa fursad-da ah inaan hagaajino jadwalkeena shaqo ,innaga oo sii daynayana barnaamijyo badan ,kuwaasi oo ka tarjumaya rabitaanka dhagaystayaasheena oo heli doona warar waa weyn , falaqayn dhamaystiran oo dhinaca Sayniska ah iyo waliba hal abuurka iyo dhaqanka “ ayuu mar kale yiri Hockday.
Mas’uulkan ayaa sidoo kale sheegay in BBC-du ay diirad-da saarayso sidii ay dunida isugu xiri lahayd ,iyada oo loo marayo barnaamijyadan cusub, waxaana qorshaha kamid ah in BBC-du ay soo jiidato dhagaystayaal cusub oo ku xiran mareegaha bulshadu ay kuwada xiriirto.
Ugu danbayn, Idaacad-da iyo Telefishinka BBC-da qaybtiisa English-ka ayaa la hadasha asbuucii dhagaystayaal gaaraya 246 milyan ,kuwaasi oo si joogta ah ugu xiran barnaamijyada iyo wararka ka baxa BBC-da.
warsom2011@gmail.com









