Xubnihii u tartami lahaa Aqalka sare ee Hir-SHabeele oo dib u dhac ku yimid.

0
521

Iyadoo maanta oo Axad ah loo ballansanaa magaalada Jowhar doorashada xubnaha aqalka sare uga mid noqonaya maamul gobolleedka Hirshabeelle, ayaa lagu waramayaa in maanta uu dib u dhac ku yimid.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dib u dhaca uu salka ku hayo khilaaf iyo muran ka taagan habka loo soo xullay musharixiinta u tartamaya kuraasta aqalka sare, oo marar badan oo kale duwan faragalin lagu sameeyay sidda ay qabaan qaar ka mid ah xildhibaannada maamulka iyo odayaasha dhaqanka beellaha.

Mid ka mid ah xildhibaannada maamulka Hir-shabeelle oo lagu magacaabo Mahad Xassan Cismaan  ayaa ku eedeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle in marar kale duwan uu isbadal ku sameeyay liiiska musharixiinta aqalka sare oo shaqsiyaad sidda uu hadalka u dhigay horay ugu qornaa markii danbe la badallay.

Magaalada Jowhar waxaa ka soconaya kulamo iyo shirar ay leeyihiin mas’uuliyiinta maamulka gobolka, odayaasha beellaha iyo xildhibaannada qaarkood oo looga arinsanayo siddii loo dadajin lahaa doorashada xubnaha aqalka sare.

Ugu danbeyntii, dib dhcan ku yimid doorashada xubnaha aqalka sare ayaa dhinaca kale dib u sii dhigaya doorashada xubnaha aqalka hoose, madaama sidda jadwalka doorashadu yahay loo ballansan yahay in bishan November lagu soo gabagabeeyo doorashada oo idil.
warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak