Garoowe caasimada Puntland oo lagu weerarey qaar kamid ah Ergada soo doorandoonta xubnaha aqalka hoose.

0
565

Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay xalay weerar ku qaadeen hoteel ay degenaayeen qaar ka mid ah ergada soo xuleysa xildhibaannada aqalka hoose ee dalka uga mid noqonaya dowlad gobolleedka Puntland.

Weerarkan oo ka dhacay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, ayaa lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah hoteellada ay degan yihiin ergada u diyaarsan in ay soo xulaan xildhibaannada baarlamaanka.

Lama soo sheegin wax khaaare ah oo weerarkan uu  geystay, waxaana loo maleynayaa in uu salka ku hayo muranka iyo khilaafka u dhaxeeya beellaha oo isku haya habka loo soo xulay ergada oo beellaha qaar  u arkaan in la musuq maasuqay.

Guddoomiyaha gobolka Nuugaal ninka lagu magacaabo Cumar Farweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay socdaan baaritanno la xiriira sababta weerarkan dhalisay.

Guud ahaan marka la eego nabad-galyada magaalada Garoowe ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana markii xalay la maqlay rasaasta ciidamo badan la dhigay jidadka muhiimka ah, kuwaasoo sugayay ammaanka.

Ugu danbeytii, lama oga saameynta ay ku yeellan doonto weerarkii xalay lagu qaaday ergooyinka doorashada oo la fillayo in ay maanta ka bilaabato magaalada Garowe.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak