Ergeyga QM ee Soomaaliya Danjire Keating oo Amar ku bixiyey in si dhaqso ah loo fuliyo Heshiiskii Gaalkacyo.

0
356

Wakiilka QM ee Arrimaha Somalia Danjire Michael Keating, ayaa soo dhaweeyay heshiiska lagu joojinayo Colaadda Magaalada Gaalkacyo ee ay Magaalada Abu-Dhabi ku kala Saxiixdeen; Madaxweynayaasha Puntland, C/weli Gaas iyo Galmudug, C/kariin Xuseen Guleed kala saxiixdeen.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska QM ee Somalia, ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ku heshiiyeen in la joojiyo Hadallada Colaadda hurin kara ee Warbaahinta la isku marainayo.

Sidoo kale, Heshiiskan ayaa waxaa kaloo ku jira ah in gacan laga geysto sidii magaalada ay ugu noqon lahaayeen dadkii ka barakacay dagaalka. Waxaana sidoo kale la magacaabayaa Guddi raadiya sidii Xal kama dambeys ah looga gaari lahaa dagaalladaas.

Arrintaas, ayaa la sheegay inay qayb ka ahayd heshiis labada Madaxweyne ay sanad ka hor ka gaareen dagaallo bishii December ee sannadkii 2015-kii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ergayga Qaramada Midoobeey ee Somalia Keating ayaa Imaaraadka Carabta ku Ammaanay gacanta ay ka geysatay in Heshiis cusub ay labada dhinac isla gaaraan. Wuxuuna labada madaxweyne ku boorriyay in ay qaadaan Tallaabo deg-deg ah oo lagu xaqiijinayo in heshiiska la meel-mariyo.

Dhnka kale, Keating ayaa odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada Gaalkacyo ku amaanay sida ay ugu dadaaleen in xal laga gaaro dhibaatada Gaalkacyo.

“Tani waa tallaabo dhanka wanaagga loo qaaday,” ayuu yiri Keating oo intaa ku daray, “Kubadda waxay hadda cagta ugu jirtaa Gaas iyo Guuleed si ay u meel mariyaan ballan-qaadyadii aan la fulin iyo inay u Adeegaan Shacabka Puntland iyo Galmudug.

Ugu dambeyn, Bishii lasoo dhaafay, Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaa ka dhacay dagaallo sababay in kumannaan qof ay barakacaan isla markaana ay ku naf-waayaan dad kale oo  illaa 20 qof ayaa ku dhimatay dagalkaasi, sida ay sheegeen hay’adaha magaalada ka howlgala.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak