Doorashada sanadka danbe ka dhici doonta Kenya oo laga cabsi qabo Rabshado dhaca.

0
366

Waxaa jirta cabsi laga qabo rabsho dhacda xilliga doorashada guud ee Kenya sanadka dambe.

 

Dadka Kenyanka ah ayaa wali aad uga cabsi qaba inay dhacdo rabshad la mid ah tii Kenya ka dhacday 2007-2008 kadib markii doorashadii madaxweynenimo lagu murmay. In ka badan kun qof ayaa la ogsoon yahay in rabshadaa ay ku naf waayeen.

 

Ra’yi uruurin lagu sameeyay badqabka iyo ammaanka muwaadiniinta dalka Kenya ayaa lagu ogaaday in 70 boqolkiiba ay rabshado ka cabsi qabaan halka 44 boqolkiiba cabdisida ay qabaan oo rabshadaa inay dhacdo ay ka qabaan ayba tahay xad dhaaf.

 

Hay’ada Twaweza oo ka shaqeysa badqabka shacabka bariga Afrika ayaa Salaasadii lasoo dhaafay soo saartay warbixin arinkaa kusaabsan.

 

Dadkii ka qeyb galay daraasadaa ayaa dawlada Kenya ugu baaqay in ammaanka si wanaagsan ay u adkeyso ka hor iyo kadib doorashada guud ee sanadka soo socda ee 2017.

 

Kasokow dadkii tiradoodu sare u dhaaftay kunka qof ee ku naf waayay rabshadii 2007/2008, waxaa sidoo kale rabshadaasi ay barakicisay ilaa dhowr boqol oo kun oo qof.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak