Inkastoo aan la hubin ayaa waxaa laga cabsaday Donald Trump in lasoo weeraro mar uu xalay khudbad ka jeedinaayay gobolka Nevada.
Si kastaba ha ahaatee, Trump waa uu soo noqday oo wuxuu dhammaystay hadalkiisii uu jeedinaayay. Nabad sugida Mareykanka ayaa xiray nin laga shakiyay oo ku sugnaa meel uu Trump olole ka waday xalay kagadaal markii kooxi ku dhawaaqday, ‘qori weeye’, laakiin wax hub ah lama helin.
Si kastaba ha ahaatee laanta nabad sugida ayaa sheegtay in baaritaan uu socdo laakiin warbaahinta Mareykanka ee ku sugan magaalada Rono ee gobolka Navada ayaa tebisay in boolisku sii daayeen qofkii laga shakiyay.
Ciidamada ammaanka ayaa kasoo jiiday Trump masrixii uu khudbada ka jeedinaayay ee uu ololaha ka waday.
Markii qorigii la waayay lagu dhawaaqay ayaa Trump uu khudbadiisii iska sii watay oo halkeedii uu ka miisay.
Donlad Trump ayaa un daqiiqado kadib masraxa dib ugu soo laabtay oo khudbadiisii dhammays tirtay.
warsom2011@gmail.com








