Abaarta Soomaaliya oo kasii dareysa iyo nolosha dad iyo duunyo khatar ku jira.

0
567

Qeybo badan oo Soomaaliya ah ayaa waxaa ka taagan abaaro ba’an ayadoo haatan meelaha qaar dadka iyo duunyaduba ay geeri qarka u saaran yihiin.

Sida hayadaha samafalku sheegayaan abaaro ba’an ayaa wali ka jira Somaliland, Puntland iyo qeybo badan oo bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ah kadib markii roobabkii ay baaqdeen amaba si fiican aysan u di’in dhammaan xilli roobeedyo dhowr ah oo lasoo dhaafay.

Nafaqo darro ba’an ayaa ka jirta qeybo badan oo dalka ah waxaana gabaabsi ah haatan qarashaadka QM iyo hayadaha deeqda baxsha ay u meel dhigeen Soomaaliya maadaama colaado iyo xaalado baniaadminimo oo ba’an ay ka taagan yihiin dalal badan oo kale oo caalamka ah sida Suuriya, Ciraaq, Liibiya iyo Yemen. Barakaceyaasha Soomaaliya ayaa gaaraya 1.1m sida QM ay xaqiijisay.  

Inta dad Soomaaliya cunto u baahan oo raashin yaridu saamaysay ayaa lagu qiyaasay ku dhawaad 4 milyan oo qof ugu yaraan.

Xafiiska OCHA ee QM ayaa sheegay in 5 300,000  oo carruur ah ay macaluuli heyso.

warsom2o11@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak