Donald Trump oo shaaciyey in uu tarxiili doono malaayiin Ajaaniib ah.

0
348

Madaxweynaha Cusub ee alka Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Muhaajiriin Tiradoodu dhexeyso laba illaa saddex Milyan oo Ruux oo sharci-darro ku jooga Maraykanka uu Tarxiili doono Marka uu Xafiiska la Wareego.

Trump oo Wareysi siiyay Telefishinka Maraykanka laga leeyahay ee CBS, ayaa sheegay in uu si Gaar ah u Beegsan doono; kuwa Dambiyada galay, Burcadda iyo kuwa Daroogada ka ganacsada ee muhaajiriintaas ka mid ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka, ayaa intaa ku daray in Siddeeda Milyan ee dheeraadka ah ee Sharci-darrada ku jooga Maraykanka go’aan laga gaari doono marka la adkeeyo Ammaanka xuduudaha Dalkiisa.

Madaxweyne Donald Trump, ayaa xusay in Qayb ka mid ah darbiga uu ballan-qaaday inuu ka dhisayo soohdinta uu dalkiisu la wadaago dalka Mexico oo uu ku tilmaamay inuu noqon doono silig.

Lama oga inta soomaalida ay ku yeelan doonto  saameyn balse waxaa jira walaac leysla dhex marayo oo faafey dhamaan gobolada uu ka koobanyahey dalka Mareykanka iyadoo dunida intaada kalena ay kasoo baxayaan doodo kala duwan.

Ugu dambeyn, Donald Trump ayaa horay u sheegay hadal muran badan ka dhaliyay dunida oo Dhan, kaas oo ahaa in Dalka Mareykanka laga Mamnuuco inay soo galaan Muslimiinta, Inkastoo uusan hadda arrintaas ka hadlin.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa Xafiiska la Wareegi doono 20-ka bisha Jannaayo ee sannadka soo socda ee 2017-ka, isagoo Xilka kala Wareegi doona madaxweynaha xilligan talada haya ee Barack H. Obama.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak