Xoogaga Al-Shabaab Oo La Wareegtay Deegaanka Ceel-Cali.

0
590

Xooggaga Al-Shabaab ayaa barqadii maanta qabsaday deegaanka Ceel Cali oo qiyaastii 75 km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qabsashada Al-Shabaab ee Ceel Cali ayaa timid ka dib markii ay halkaasi banneeyeen ciidammada dawladda iyo kuwa Itoobiya ee halkaasi gacanta ku hayay.

Aroornimadii hore ayaa ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan ciidamo yar oo Soomaali ah waxa ay isaga tageen saldhigayadii milatari iyo kuwii maamulka ee deegaanka Ceel Cali sida ay Warsom u sheegeen dadka deegaanka.gobolka Hiiraan.

Ciidammada ka baxay Ceel Cali waxay aadeen dhinaca Beledweyne waxana la socda xubnihii maamulka ee deegaanka.

Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab oo markoodii horeba aan sidaa uga fogeyn Ceel Cali ayaa barqanimadii galay magaalada iyagoo durbadiiba billaabay inay dagaan saldhigyadii iyo xarumihii ay ka guureen ciidammada Itoobiya.

Dadka dagan Ceel Cali intooda badan guryaha ayay ku jiraan oo dibada uma aanay soo bixin inkastoo ay jiraan odayaal la kulmay saraakiisha Al-Shabaab oo kala hadlay sidii ganacsigii iyo noloshii magaalada caadi loogu soo celin lahaa.

Xalay intii aanay ka guurin ciidamada Itoobiya Ceel Cali, waxaa saldhigooda lagu weeraray madaafiic aan la ogayn in khasaare uu ka dhashay.

Ceel Cali waa magaalo istraatiiiji ah oo isku xirta magaalada xarunta u ah gobolka Hiiraan ee Beledweyne iyo gobolka Bakool waxaana ciidammada ay qabsadeen halkaasi bartamihii sanadkii hore ee 2015.

Bartamihii bishii hore ee September ciidammada Itoobiya waxay banneeyeen deegaanka Moqokori ee isla gobolka Hiiraan iyadoo markiiba ay qabsadeen Al-Shabaab.

Sidoo kale bilihii ugu danbeeyay ciidamada Itoobiya waxa ay ka guureen tuulooyinka Rabdhuure, Buur dhuxunle, iyo Garasweyne oo dhamaantood ka tirsan gobolka Bakool.

Dhinaca Galgaduud Itoobiyaanku waxay bilihii ugu danbeeyay ka guureen Galcad iyo Budbud.

Ma jiro war ka soo baxay saraakiisha AMISOM iyo kuwa Itoobiya ama kuwa Soomaalida oo ku aadan ka bixitaankoodii saaka ee Ceel Cali iyo kuwii ka sii horeeyay ee tuulooyin ka tirsan gobolada Hiiraan Galgaduud iyo Bakool.

beccosalaam-banktabaarak