Tababar sare loogu qaadayo aqoonta iyo adeega ay bulshada u hayaan hawlwadeenada iyo shaqaalaha Madaarka Aadan Cadde Airport ayaa maanta lagu soo gaban gabeeyey gudaha Airporka,kaa oo socdey muddo sadex cisho ah.
Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha G/sare Maxaned Aadan Jimcaale Koofi oo tababarka furey soona xirey ayaa xubnihii tababarka qaatey waxa uu kula dar daarmey in bulshada Madaarka isticnaalaya si hufan loogu adeego,iyadoo la marayo nidaamka u degsan socdaalka soomaaliya.
Waa markii ugu horesey tan iyo markii xilkan loo magacaabey korneyl Maxamed Aadan Koofi ee sare loo qaado aqoonta iyo adeega hufan ee hawlwadeenada laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha,taas oo looga dan leeyahey in dadka soomaaliyeed ee garoonka Aadan Cadde adeegsada ay dareemaan waddaniyada iyo qiimaha dalku leeyahey.
Ugu danbeyntii ayaa taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa dar dargelin iyo hagaajin bilaabey iyadoo ay jirtey cabashooyin ka imaanayey dadka adeegsada Madaarka Aadan Cadde international Airport waxaana dhawaanahan la dareemayaa isbedel aad u sareeya iyo ammaan loo jeedinayo taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha G/sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi.
warsom2011@gmail.com








