Ciidamo Hubeysan Oo Maanta Xoog Ku Galay Halka Uu Ka Socdey Shir Lagu Dhisyay Maamul Ugaar Ah Hiiraan

0
590

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Gobolka Hiiraa, Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa Goordhow gudaha ugalay halka uu ka socday shir lagu dhisyay Maamul ugaar ah Hiiraan.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa iney xoog ku galeen Baar Xasan Dhiif oo ku yaala Bariga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Halka ay galeen Ciidanka waxaa ka socday shir ay soo agaasimeen Odayaal ka biya diiday iney tagaan Magaalada Jowhar oo ay taalo gogosha Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe ee Hir Shabeelle.

saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga dalka ayaa inoo sheegay in Amarkan uu bixiyay taliska Ciidanka xooga dalka ee Hiiraan si loo carqaladeeyo shirka.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan inuu jiro khilaaf xoogan oo udhexeeya saraakiisha Ciidanka iyo Maamulka Gobolka oo ku aadan is hortaaga lagu sameeyay shirkii Beledweyne.

Odayaasha ku shirsan Beledweyne ayaa Dhankooda sheegay in Ciidamo katirsan Dowlada ay tageen halka shirka uu ka socday ayna weydiiyeen odayaasha Cida sugeysay Amnigooda.

Si kastaba Magaalada Beledweyne waxaa shalay lagu soo Gaba-gabeeyay kulan lagu soo bandhigay dastuurka uu yeelanayo Maamulka Hiiraan State oo dhawaan ay Duubabka-dhaqanka dhismihiisa uga dhawaaqeen magaalada Beledweyne.

Akharinta Dastuurka, kaddib ayaa ergada goobta ku sugnayd waxaa la weydiistay inay cod gacan-taag ah ku ansixiyaan , Waxaana Aqbashay 419 ka mid ah 423 ergo ah Goobtaas ku sugnayd saddex qof ayaa diiday halka qof kalena uu ka aamusay.

Dhanka kale, Waxaa goobta looga dhawaaqay inay Buula-burte tahay xarunta maamulkan uu ku shaqeyn doono, Waxaana tilmaam guud laga bixiyay nooca Calanka Maamulkan uu yeelanayo oo la sheegay inuu ka koobnaanaya; Midabka Buluugga oo leh Xidigta Shanta Gees iyo Midabka Cadanka ah Soomaaliya.

beccosalaam-banktabaarak