Biyo la’aan baahsan oo laga soo sheegayo deegaanka Ceelbaraf ee gobolka SH/dhexe.

0
502

Dadka ku dhaqan deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/dhexe, ayaa dalbanaya in lala gaaro biyo nadiif ah, kaddib markii ceelashii  ay ka cabi jireen dadka iyo duunyada qarxiyeen xarrakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Ceel Baraf Muuse Sharwey Gaaboow ayaa sheegay in deegaanka ay ka jirto sidda uu hadalka u dhigay dhibaato weyn oo dhinaca biyaha ah, kaddib  markii la qarxiyay ceelashii ay biyaha ka helli jireen.

”Dhibaato weyn ayaa soo food saartay dadka iyo duuniyada deegaanka ku dhaqan, inta badan dadkii halkan ku noolaa waa ay isaga carareen, kaddib biyo la’aan soo food saartay, waxaan codsaneynaa in arintaa sidda ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto oo biyo lala soo gaaro dadka deegaanka” ayuu yiri guddoomiyaha.

ceel-bar

Saraakiisha ciidamada AMISOM ee deegaanka ka howlgala ayaa halkaa u kaxeeyay koox wariyayaal ah si ay u soo arkaan dhibaatada ka jirta deegaanka , waxaana ay saraakiisha AMISOM dalbadeen in dadka deegaanka Ceel Baraf laga caawiyo dhinaca biyaha.

Tuullada Ceel Baraf  oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe, ayaa ku caanbaxday ka ganacsiga xoollaha.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak