Baledweyne oo siyaasiyiin iyo wax garad codsadey in gudiga doorashooyinka dadban soo dirsadaan kormeerayaal.

0
394

Kulan maanta Beledweyne ay ku yeesheen siyaasiyiin iyo Aqoon-yahanno ayaa loogu baaqay Guddiga Hir-gelinta doorashada heer Qaran in sida ugu dhaqsiyo badan ay degmada Beledweyne ugu soo diraan kormeerayaashii doorashada, madaama ay ku yihiin diyaar sida ay sheegeen illaa 22 musharax xildhibaan oo diyaar u ah in halkan lagu doorto.

Sidoo kale, Siyaasiyiinta ayaa sheegay in ay diyaar yihiin 51-kii Xubnood ee Beel walba u soo dooran lahayn Xildhibaankeeda, sidaa awgeedna aysan jirin sabab looga war-wareegto in xildhibaannada lagu soo xulo Beledweyne.Dhinaca kale, siyaasiyiintan ayaa ka hor yimid dhismaha maamulka gaba-gabada ku dhaw ee HIR-SHABEELLE ee Jowhar, iyagoo mar kale iska-fogeeyay in Gobolka Hiiraan qeyb ka yahay dhismaha maamulkaas.

Shirka jaraa’id ee Maanta ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu danbeeyay si is-daba-joog ah ay Beledweyne u soo gaarayeen shaqsiyaad u taagan qabashada xilka mudane baarlamaan, halka dhinaca kale odayaasha iyo wax-garadka beeelaha mashquul ku ahaayeen soo xulida ergada 51-ka xubnood ee sidda sharcigu yahay soo dooranaya xildhibaanka.

warsom2011@gmail.combeccosalaam-banktabaarak