SHirkii madasha Qaran raggii isku magacaabey oo Muqdisho maanta ka furmey si rasmi ah.

0
524

Maanta ayaa la filayaa in Muqdisho uu ka furmo shirka madasha wada-tashiga Qaranka, taasoo isugu imaanayaan dhammaan hoggaamiyyaasha Soomaalida, waxaana go’aan looga gaarayaa xilliga ay dhacayso doorashada madaxnimo ee sannadkan 2016-ka.

Shirkaan, ayaa waxay madaxdu uga doodayaan qodobbo dhawr ah, iyadoo la filayo inay go’aan ka gaaraan xilliga doorashadu dhacayso, sida in dib looga dhigo xilligii hore ee loo qorsheeyay oo bisha soo socota iyo in xilligeeda lagu qabto.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe – ayaa sheegay inuu shirka maanta u furmaya yahay kii ugu dambeeyay oo ay yeeshaan; kaasoo uu xusay in lagu dhameystirayo Qodobbo ka haray Heshiisyadii hore loogu gaaray qaybo ka mid ah dalka.

Dhanka kale, Qodobbada looga hadli doono shirkan ayaa waxaa la sheegay inay ka mid yihiin; Go’aan ka gaarista iyo hawl-gelinta gudiyada Doorasho ee sannadkan 2016-ka; Dhameystirka guddiga Doorashooyinka dadban ee heer gobol; Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha doorashadu ka dhacayso; Murashaxiinta haddii kursi hal qof keliya u soo Tartamo maxaa laga yeelaayaa? iyo qodobbo kale.

Waxaa kaloo la filayaa in looga hadlo shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee doorashooyinka; sidii haweenku ay qoondadooda 30% ah uga heli lahaayeen dhammaan ha’yadaha Xukuumadda ah iyo sidii loo heli lahaa Miisaayadda ku baxaysa Doorashada.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa waxaa furi doona Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo socon doona muddo laba casho ah, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed la isku waafaqsan yahay oo ku aaddan doorashada.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak