Gudoomiyaha barlamaanka soomaaliya Maxamed Sh/cismaan Jawaari iyo wufuud uu hugaaminayo ayaa booqasho ku tegey dalka South Afrika,iyadoo ay garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyeen madax ka tirsan safaarada soomaalidaiyo qaar ka tirsan jaaliyada soomaalida ee ku nool dalkaasi.
Jawaari ayaa garoonka kula hadley madaxdii iyo dadkii garoonka ku soo dhaweeyey,isagoo ka mahad celiyey sida loo soo dhaweeyey,wuxuuna sheegey in dalkan u yimid dhibaatada lagu hayo dadka soomaaliyeed ee ku nool dalkan aan saaxiibka nahey,isagoo intaas ku darey in uu madaxda dalka South Afrika kala hadli doono xaaladaha guracan ee soomaalida lagula kaco.
Ugu danbeyntiina gudoomiyaha barlamaanka soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa ku yiri dadkii soo dhaweeyey in uu gooni gooni ula kulmi doono jaaliyada qeybaheeda kala duwan iyadoo soomaalida ku nool South Afrika ayaa waxaa lagula kacaa falal aad u xun sida dil iyo boob joogto ah,isla markaana aaney xukuumada South Africa waxba ka qaban dadka geysta weerarda lagu qaado dadka soomaalida ah, ee degen dalkaasi.
warsom2011@gmail.com





