
Gudigan qiimaynaya doorashada dadban ee Soomaaliya ka dhici doonta dabayaaqada sanadkan 2016ka ayaa dhawaan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho iyagoo la kulmey qeybaha bulshada sida Axzaabta siyaasadda Bulshada rayidka,Dawlada federalka,Amisom,Unsom, Gudiga doorashooyinka qaranka iyo kuwo kale,iyagoo maanta soo gabangabeeyey socdaalkooda iyo qiimeynta ay urursadeenba.
Gudiga oo ka koobnaa afar qof,uuna hugaaminayey Olabesi Dare ayaa maanta la hadley saxaafada,waxeyna sheegeen in ay warbixintooda hor dhigi doonaan dawladaha Midawga africa isla markaasna ay gacan ka geysan doonaan dhinacyo badan sida Amniga iyo dhaqaalaha,waxeyna sidoo kale sheegeen in Midawga Africa ay soo diridoonaan kormeerayaal goob joog ka noqon doona sida doorashadu u dhacdo.
Ugu danbeyntiina Raisedon Zenenga ayaa sheegey in midawga afrika dhulka ay gacanta ku hayaan hadii uusan jiri laheyn aaney doorashadani dhici laheyn,isagoo guusha amniga soomaaliya siiyey ciidamada midawga afrika ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya,waxaanan sii adkeyn doonnaa hawlgalka iyo sugidda amniga soomaaliya mana soo qaadin ciidamada soomaaliya ee si walba u garab taagan ciidamada midawga afrika.
warsom2011@gmail.com





