Deeq ka timid dalka Cumaan oo la gaarsiiyey dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Kismaayo.

0
366

Deeqdan oo
ka koobnayd, bur, Bariis iyo Saliid ayaa
la gudoonsiiyay qoysaska danyarta ah ee
ku nool magaalada Kismaayo, ayadoo ay
ka timid dowladda Cumaan.

Boqollaal qoys oo dadka reer Kismaayo
ah ayaa ka faa’ideystan deeqda ka timid
dowladda Cumaan, ayadoo ay ka
qeeybinayeen masuuliyiinta rugta
ganacsiga Jubaland ee JCCI.

Sheekh Max’ed oo ay dowladda Cumaan
usoo wakiilatay deeq qeybinta ayaa
sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka
yahay mashruuc ay dowladda Cumaan
dooneeyso in ay ku afuriso dadka
danyarta ah ee ku nool gobollada dalka
Soomaaliya.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo
warshadaha Jubaland Shaafi Raabi
Kaahin ayaa uga mahadceliyay
dowladda Cumaan deeqda ay soo
gaarsiisay dadka reer Kismaayo, isagoo
sheegay in ay kusoo beegantay xilli aad
loogu baahnaa.

Wasiir kuxigeenka maaliyadda Jubaland
Mudane Xirsi Jaamac Gaani oo goobtii
raashiinka lagu qeeybinayay ka hadlay
ayaa dowladda Cumaan ku amaanay
sida ay had iyo jeer u garab taagantahay
shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay
in deeqdan la gaarsiin doono qoysaska
danyarta ah ee ku nool xaafadaha
magaalada Kismaayo.

Dowladda Cumaan ayaa kamid ah
dowladaha Carbeed ee marka la gaaro
bisha Barakeeysan ee Ramadaan
deeqaha raashiinka ah soo gaarsiiyay
shacabka Soomaaliyeeed.

warsom2011@gmail.com