Boqol iyo konton kun qaxooti ah oo la filayo in ay ku laabtaan gudaha Soomaaliya dabayaaqada sanadkan.

0
52

bka ku
adkeysay mawqifka ay ka taagan tahay
sida loo xiraayo xeryaha Dhadhaab.
Shalay ayaa Wasiirada Arimaha Dibada
ee Kenya, Aamina Maxamed ay sheegtay
in durba ilaa hada ay laabteen 16000 oo
qaxootiga Dhadhaab ka tirsanaa isla
markaana inta hadhay la celin doono-
hadba in.

Waxay intaasi ku dartay in hannaanka
celinta qaxootiga ay taageerayaan
dawladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo
weliba beesha caalamka. “Hannaanku
wuu bilowday wuuna socdaa’. Sidaa
ayay tiri.

Arin murugsan ayay noqoneysaa laakiin
waxaan diyaar u nahay inaan hawshaa
galno ayay tiri.

Wasiirada ayaa shalay sidaa ka sheegtay
kulan ay yeesheen guddi saddex geesood
ah oo ay wasiiro kujireen wasiiradaa oo
ka socday labada dal ee Kenya iyo
Soomaaliya.

Sidoo kale shirkaa oo ka dhacay Nairobi
ayaa waxaa ka qeyb qaatay xubno ka
socday hayada UNHCR ee ayadu QM u
qaabilsan amuuraha qaxootiga.
Waxaa kujiray shirkaa kasoo qeyb
galeyaashiisa Wasiirka Amuuraha
Dibada ee Soomaaliya, C/Samad Cumar
Hadliye iyo madaxa UNHCR, Filippo
Grandi.

Waxay Aamina sheegtay in guddigaasi
ka dalbay guddiga farsamo ee saddex
geesoodka ah (waa gudiga kale ee u
xilsaaran hawsha dib u celinta qaxootiga
Dhadhaabe) inuu soo gabagabeeyo
dejinta habab muhiim ah kuwaasoo
loogu tala galay dib u celinta qaxootigaa
Dhadhaab.

Waxay kaloo xustay in la doonayo in
ilaa 150,000 oo qaxootiga Dhadhaab ah
dib Soomaaliya loogu celiyo
dabayaaqada sanadkaan 2016.

Guddiga shalay kulmay wuxuu sidoo kale
ku baaqay in la adkeeyo u adkeysiga
dadyowga Soomaaliyeed ee kunool
gudaha Soomaaliya ay u adkeysi badan
yihiin ama kasoo kabashadooda
dhibaatooyinka (dabiiciga ah sida
abaaraha iyo daadadka) gaar ahaan
meelaha la dajin doono qaxootiga
Dhadhaab laga qaadayo oo Soomaaliya
la geynaayo.

Xubnaha guddigaa ayaa isku waafaqay
inay mar kale kulmaan bisha Oktoobar
si ay dib ugu eegaan horumarka arinka
laga gaaray ilaa waqtigaa gaar ahaan
dib u noqoshada qaxootiga ee aan qoor
qabadka ahayn ee qaxootigu dib iskood
dalkoodii Soomaaliya ay ugu
laabanayaan.

warsom2011@gmail.com