Barlamaanka Soomaaliya oo kalfadhigiisii todobaad maanta la soo xirey.

0
564

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa maanta rasmi ahaan u xiray Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Somalia.

Jawaari ayaa xiritaankii kal-fadhiga ka sheegay in baarlamaanka Somalia uu soo shaqeeyay dhawr bilood ayna ansixiyeen sharciyo badan oo muhiim ah, isagoo xusay in kal-fadhigaan ay qabteen howlo badan, balse kalfadhiga soo socda ee siddeedaad la doonayo in howlo ka badan intaan la qabto.

Sidoo kale, Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hadalkiisa ku daray inuu Xukuumadda Federaalka Somalia uu ugu baaqayo in 15-ka bisha Abriil ee Sanadkan oo uu furmayo kal-fadhiga 8-aad ee baarlamaanka ay horkeento Barnaamijkeeda Shaqo oo Faah-faahsan.

Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa sannadkii uu yeeshaa laba kal-fadhi oo intooda badan xoogga lagu saaro ka doodista sharciyada ay xukuumaddu soo gudbiso, kuwaasoo qaar ka mid ah ay ansixiyaan, kuwo kalena dib u dhigaan Ansixintooda.

Dhanka kale, Baarlamaanka Soomaaliya ee hadda shaqeynaya oo la dhisayo bishii Ogoosto ee Sannadkii 2012-kii, ayaa wuxuu Xilligiisu ku eg-yahay Bartamaha Sanadkaan lagu jiro, iyadoo lasoo dhisayo baarlamaan kale oo bedeli doona.

Ugu dambeyn, Kal-fadhiga 8-aad ee soo socda ayaa ah kan ugu dambeeyay baarlamaanka Somalia, kaasoo soo xirmi doono afar bilood kaddib, waxaana muddadaas kaddib la filayaa in dalku uu yeesho baarlamaan cusub oo midkan beddelaya.beec33