Xukuumadda Soomaaliya oo meel marisey xeerka axzaabta siyaasadda Soomaaliya.

0
709

Xeerka axzaabta siyaasadda soomaaliya ooay in muddo ah heysatey ayaa manta ay meel mariyeen xukuumadda uu huhaamiyo R/WCumar C/rashiid kadib markii culeys badani ka yimid xisbiyo badan oo dalka ka sameysmey.

Beryo ka hor ayey aheyd markii ay xisbiyo ka badan 22 u gudbiyeen maxkamadda sare dacwo lidi ku ah xukuumada soomaaliya taas oo ay ku micneeyeen in xukuumaddu ka baaqsatey hirgelinta xeerka iyo nidaamka lagu dhaqayo xisbiyada siyaasadda dalka soomaaliya.

Waa markii uGu horeysey ee xukuumad dalka ka jirto ay meel mariso xeer nidaamiye kala hagaya xisbiyada siyaasadda soomaaliya,waxaana la filayaa in baarlamaanku ansixiyo fadhiyada soo socda kadibna soomaaliya ay ka guurto nidaamka 4.5 loona guuro nidaamka xisbiyada badan oo caalamka intiisa badan kj dhaqmo.