Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa maanta xusay Sannad-guuradii 46-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay, Waxaana xafladda Xuskan ka Qayb-galay RW Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka iyo saraakiisha ciidamada Soomaaliya.
RW Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Xafladda ayaa Hoggaanka iyo Ciidamada Asluubta Soomaaliya u hambalyeeyay, isagoo ku amaanay sida ay uga soo dhalaaleen hawsha adag ee loo xil-saaray ee dhinacyada dhaqan-celinta iyo bar-baarinta maxaabiista.
Sidoo kale, RW Sharma’arke ayaa Xariga ka jaray mashruuca is-dhexgalka Cadaaladda iyo Maxaabiista iyo Mashruuc kale oo lagu dhisayo Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliya. “Ciidamada Asluubtu, Waxay qayb ka yihiin Ciidamada Qaran ee aan leenahay, oo aan ku faanno.
Waxay si Xil-kasnimo ah uga soo baxeen Waajibaadkooda gaarka ahaa ee loo xil-saaray, iyagoon helin Taageero ku filan oo Hawshooda ku gudan karaan, is-xil-qaankooda ayaa keenay in maanta ay halkaan kusoo bandhigaan cutubyo si wanaagsan loo Tababaray oo diyaar u ah gudashada waajibkooda iyo inay Awoodeen inay dhistaan Xarumahoodii,” ayuu yiri RW Somalia.
Ugu dambeyn, RW Somalia ayaa Xxarigga ka jaray labo Mashruuc oo Dib-loogu dhisayo Xarunta Ciidamada Asluubta iyo xabsiga dhexe, wuxuuna mahadcelin u jeediyey Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliya iyo cid walba oo gacan ka geysatay fulinta Mashaariica, isagoo Dallacsiiyay qaar ka mid ah Saraakiisha ugu Howl-kar-sanaa ee Waajibaadkooda u gutay si daacad ah.





