Ugu yaraan 12-qof oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda federaalka Somalia ayaa ku geeriyooday, tiro intaa ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray Qaraxyo iyo Iska-horimaad Caawa ka dhacay Muqdisho.
Weerarradan ayaa waxaa Mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab, Waxayna ku sheegeen warbixin kooban oo ay soo saareen inay Weerarradaan fuliyeen xoogaggooda Muqdisho ku sugan Muqdisho.
“Xoogaggeenna ayaa Weeraray Hotel SYL iyo goob ku dhow, waxaana ciidamadeennu ay gudaha u galeen hoteelka,” ayay Al-shabaab ku sheegeen warbixintooda, iyagoo intasas ku daray in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan, laakiinse illaa hadda lama sheegin cid wax ku noqotay gudaha Hoteel SYL.
Sarkaal ka tirsan booliiska Somalia oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim ayaa u sheegay AFP inuu arkay maydadka 12-qof, isagoo yiri.
“Qaraxa koowaad wuxuu ka dhacay beer ku dhow Hoteelka, kii labaad ayaa isagana ka dhacay meel ku dhow Hoteelka SYL, waxaanan arkay dhimashada 12-qof, intaasna way ka badan kartaa dhimashada.
” Qaraxyadaan oo ahaa kuwo ay u dhexeyeen muddo 45-daqiiqo ah, ayaa waxaa xigay iska-hor-imaad dhexmaray kooxo hubeysan iyo ilaalada Hoteel SYL, iyadoo wararka qaarkood ay sheegeen in xoogagga Al-shabaab ay gudaha u galeen Hoteelka.
Dhanka kale, sarkaakiil ka tirsan booliiska Somalia ayaa iyaguna sheegay in Weerarradaan ay ahaayeen kuwo lala beegsaday Hotel SYL, halka warar kalena ay sheegayaan in Beer ku taalla dhabarka dambe ee hoteelka uu bartilmaameedku ahaa.
Ugu dambeyn, Isbtiaalka Madiina ee Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dhaawacyada Sideed qof oo Weerarradan ay Dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, kuwaasoo isugu jiray Askar iyo dad kale oo shacab ah. Wararka ku saabsan Weerarkan waxaad kula socon doontaan Wararka soo socda ee HOL ee soo socda haddii ALLE ogolaado.





