Kulan balaaran oo ay yeesheen 25 xisbi siyaasadeed oo looga soo hor jeestey shir ku sheega Turkiga ka furmey iyo cambaareyn ku aadan D.F. xanibaad iyo caburin ay ku heyso Saxaafadda iyo xoriyada hadalka.

0
556

Kulalan ay kazoo qeyb galeen in ka badan 25 xisbi siyaasadeed ayaa manta waxaa looga Hadley qodobo wax ku ool ah isla markaasna saameynaya siyaasada dalka ee xiligan iyo sida ay u dhaqmayaan dadka sheegta in ay metelaan hugaanka dalka kuwaasoo mar kasta ceeb iyo fadeexo qaranka usoo hooya.

Kulankan oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha xisbiga U.S.P. Siciid Qoorsheel ayaa dhamaan waxaa lagu falanqeeyey qodobo ay kamid ahaayeen SHirka Turkiga oo ay u wada yaaceen madaxtooyadii.baarlamaankii iyo xukuumadii,iyadoo ay waliba ka daba carareen gudoomiyeyaashii gobolada taas oo aan ka turjumeyn hanaan dawladnimo,iyo kala danbeyn.Dood iyo falaqeyn kadib ayaa waxaa shirka kasoo baxey qodobadan oo ay u dhanyihiin xisbiyada aqbaley in ay ku wada shaqeeyaan dalad ay ku mideysan yihiin  oo loogu yeerey,MAGACA: ISBAHEYSIGA XISBIYADA SIYAASADA SOOMAALIYA.

1 Isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya waxey cambaareynayaan anshax darona ku tilmaamayaan sida tahriibka iyo is barbaryaaca ah ee shirkaas looga qeyb galey.

2 Dadaka Turkiga jooga cidna kuma metelaan shirkaas nidaam iyo hab dawladnimana uma muuqdaan,wax kazoo baxayaana ma jiraan oo wuxuu lamid noqondoonaa kii Garoowe,Kismaayo iyo Xamar.

3 Isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya waxey ku gacan sayreen kuna dhaleeceeyeen cidii ka danbeysey xayiraad iyo caburin lagu sameeyeyWEBSITEYO afka soomaaliga ku hadli jirey bulshadana wax weyn u hayey iyo dad loo xir xirey cabiraada ra’yigooda si nabad ah.

4 Xisbiyadu waxey sidoo kale dhaleeceeyeen sida maamuus xumada ah ee uu R/W Cumar C/rashiid ku galey dalka Kenya iyadoo taasi keentey bah dilaad qaranka soomaaliya ku dhacdey,uuna masuul ka yahey dhacdadaas r/w Cumar C/rashiid.

5 Ugu danbeyntiina waxey xisbiyada soomaaliyeed uGu baaqeen shacabka soomaaliyeed in ay wada jirkooda adkeeyaan isla markaasna ka qeyb qaataan gurmadka Abaaraha ka jira gobolada dalka iyagoon cidna isku haleyn alle mooyee ana isha ku hayaan hab dhaqanka kuwa sheeganaya in ay qaranka metelaan si wada jir ahna nabadda iyo xasiloonida dalka uga shaqeeyaan.