Jabuuti oo uu ka furmey shir amniga soomaaliya looga hadlayo/yaa ka qeyb galaya?.

0
364

Dalka Jabuuti Waxaa Maanta ka Furmay Kulan looga hadlayo howlgalka ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan, kaasoo ay ka qayb-galayaan Mas’uuliyiin ka socda Waddamada ay ka socdaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ah wasiirrada Gaashaandhigga waddamada ay ka socdaan ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ku sugan, waxaana qodobada looga hadlayo ka mid ah sidii loo dar-dar-gelin lahaa Howl-galka AMISOM.

Kulankan ayaa waxaa shir-gudoominaya Wasiirka Difaaca Jabuuti, Xasan Dharaar Hufane, waxaana qayb ka ah shirkan Urur-goboleedka IGAD, Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Nigeria iyo saraakiilka tirsan dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya.

Dhanka kale, waxyaabaha shirkan inta uu socdey lagu qaadaa-dhigi doona ayaa ah in door wanaagsan ciidamada AMISOM ka qaateen sidii Somalia Nabad loogu soo dabbaali lahaa iyo doorka ciidamada xoogga Soomaaliya iyo sidii loogu heli lahaa Qorshe dhameystiran.

Ugu dambeyn, Somalia ayaa waxaa shirkan uga qayb-galaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mas’uuliyiin uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar uu ka mid yahay.

Si kasta ha ahaatee, Ciidanka AMISOM ayaa Waxay ka socdaan Shan Waddan oo kala ah; Jabuuti, Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Kenya, sidoo kalena waxaa Somalia ku sugan askar Booliis ah oo Hoos-taga AMISOM kuwaas oo ka socda Dalal kale oo Afrikaan ah oo ay ka mid tahay Nigeria.