Dagaal u dhexeeya Ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa ka socda deegaanka Leego oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.
Wararka laga helayo Deegaanka Leego ayaa sheegaya in la Maqlayo hub kala duwan oo ay dhinacyada Hardamaya ay isku adeegsanayaan, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaan.
Al-shabaab ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka uu ka dhashay Weerar ay ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada Itoobiya ee ka tirsan kuwa AMISOM oo marayay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle oo aan ka fogeyn deegaanka Leego. Sidoo kale, Al-shabaab, ayaa sheegtay in Qaar ka mid ah Gaadiidkii ay Ciidamada Itoobiya wateen ay ku gubteen dagaalka, Inkastoo aysan jirin Warar Madax-bannaan oo Xaqiijinaya sheegashada Al-shabaab.
Taliska Guud ee AMISOM ayaan weli ka hadlin dagaalka Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee Somalia ka Hawlgala iyo Al-shabaab, Waxaana deegaankaan ay horay ugu dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab iyo AMISOM. Wixii Warar ah ee kasoo kordha Dagaalkan u dhexeeya Ciidanka AMISOM ee ka Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab, waxaad kula socon doontaan wararka WARSOM ee soo socda haddii ALLE ogolaado.





