Taliyaha ciidanka lugta dalka Sweden oo la kulmey taliyaha ciidanka xogga dalka Soomaaliya.

0
299

Taliyaha Ciidamada Xoogga Somalia, Jen. Maxamed Aadan Axmed, ayaa maanta kusoo dhaweeyay Muqdisho Taliyaha ciidanka Lugta ee dalka Sweden, Brig-General Stefan Andersson oo ku yimid booqasho Muqdisho. Labada taliye oo kulan gaar ah ku yeeshay dhismaha Wasaarada Gaashaandhigga Somalia, ayaa ka Wada-hadlay xoojinta Taageerada ay Xukuumadda Sweden siiso Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Jen. Maxamed Aadan ayaa uga mahad-celiyay taliyaha ciidanka lugta ee Sweden safarkiisa uu ku yimid Muqdisho markii ugu horreysay, wuxuuna sheegay in Somalia iyo Sweden ay yihiin Waddamo Saaxiibbo ah; isla markaana iska-kaashanaya sidii Sare loogu Qaadi lahaa Tayada iyo Tababarka Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale, Brig-Gen. Stefan Andersson oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa Mahad-celin u jeediyay saraakiisha ciidamada XDS, sida wanaagsan oo ay u soo dhaweeyeen, wuxuuna xusay inay Soomaaliya dhibaatooyin badan soo martay; Hase yeeshee ay kasoo kabanayso dhibaataadaas. Isagoo xusay in dawlada Sweden ay kordhin doonto taageerada ay la garab-taagan tahay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Taliyaha Millaetriga Soomaaliya, Jen. Maxamed Aadan Axmed ayaa tacsi u direy ehelada iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon oo Muqdisho ku Geeriyooday, isagoo Xusay in Marxuum Goobdoon uu ahaa Muwaadin muddo dheer u soo shaqaynayay dadka iyo dalka Soomaaliyeed; taariikhna uga tagay.