Kulankan oo uu shir gudoominayey wakiilka XMJS ee Puntland C/fitaax Maxamed Cali ayaa lagaga Hadley qodobo wax ku ool ah kuwaas oo ay aad uGu riyaaqeen kazoo qeyb galayaashii shirka,wuxuuna madasha shirka uu wakiilka xisbigu ka sheegey in dhawaan ay bilaabayaan kulamo gaar ah garabyada Haweenka iyo dhalinyarada xisbiga ee heer Tuulo,Degmo iyo Gobol ee deegaanada Puntland.
Dood iyo falaqeyn kaddib ayaa waxaa shirka lagu taageereyBannaan bbaxyo uu wakiilkku sheegey in ay horsed ka ahaayeen qaban qaabaddooda iyo hir gelintoodaba.
Waxaa sidoo kale shirka lagu taageerey laguna soo dhaweeyey go’aanka ay maddaxda Puntland ka qaadatey Baaddilka iyo kala fogeynta umadda soomaaliyeed waxa aan u aragno ee kazoo yeeraya Xamar anagoo madaxda Punntland la qabna in aynaan dooneyn 4.5..
Ugu danbeyntiina waxaa kulanka lagu taageerey,talaabo mar hore loo baahnaana lagu tilmaamey dacwada ay xisbiyada siyaasadu u gudbiyeen maxkamadda sare ee dalka,taas oo lidi ku ah R/W Cumar C/rashiid iyo wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odawaa,anagoo hambalyo iyo bogaadin u direynna gudooomiyaha maxkamada sare Ceydiid ilka xanaf





