Duco loo sameeyey allaha u naxariistee ugaas C/raxmaan ugas KHaliif oo ka dhacey Yurub iyo Mareykanka.

0
135

Kulammo loogu duceynayay ALLAHA u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo todobaadkii lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada Baladweyne ayaa siyaabo kala duwan loogu qabtay magaalada Minnesota ee Mareykanka iyo magaalada Den-Haag ee dalka Netherland.

Kulankii lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana kasoo qayb-galay Culummada, odayaasha-dhaqanka, Aqoon-yahanno, dumar iyo xubnaha Jaaliyadda gobolka oo ka murugeystaa geerida Ugaaska.

Dadkii ka hadlay kulankaas tacsida ah waxaa ka mkid ahaa Nabaddoon C/qaadir Cusmaan Oomo oo ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo sheegay in gobolka iyo guud ahaa dalku uu tabi doono, maadaama uu ahaa nin ka shaqeynayay nabadda iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

“Soomaali oo dhan ayuu Ugaasku ka dhintay, hal reer ama hal gobol oo keliya kama uusan bixin, waxayna geerisiidu ahayd mid aan xanuun badan,” ayuu yiri Nabadoon Oomo.

Sh. C/rashiid Maxamed oo ka mid ahaa culimada ka hadashay kulanka ayaa soo jeediyay wacdi ku saabsan geerida, wuxuuna Ugaaska ugu duceeyay in Illaahey uu Jannaddii ugu bishaareeyo kitaabkiisana uu midigta ka siiyo.

Dr. Cumar Yuusuf Nuur oo ka mid ah hoggaamiyaasha Soomaalida magaaladda Rochester ayaa wuxuu dowladda Federalka iyo maamulka gobolka Hiiraan ka codaday in buundada magaaladda Buulo-barde loo bixi magaca Ugaas C/raxamaan Ugaas Khaliiif Bridge.

“Ugaasku wuxuu ahaa Nin ka shaqeynayay Nabadda iyo horumarka, wuxuuna naga mudan yahay duco iyo xusuus, sidaa daraadeed si qof kasta oo buunada ka gudba uu ugu duceeyo marka uu magaciisa arko, waxaan maamulka ka codsanayaa inay Buundada ugu magacdaraan” ayuu yiri Dr. Cumar.

Ibraahim Abiikar oo ka mid ah aqoon-yahanada Minnesota ayaa sheegay in Ugaasku ahaa aqoonyahay wax badan la socday xaaladda iyo heerarkii uu soo maray. “Ugaasku maaheyn Oday dhaqameed oo kaliya, wuxuu ahaa Nin reer magaal ah oo Jaamihi ah, wuxuuna kasoo baxay Jaamacaddii Gaheyr, wuxuu ahaa nin qofta fahmi karay miyi iyo magaalo” ayuu yiri Ibraahim Abiikar.

“Ugaas C/raxmaan wuxuu ka shaqeyn jiray Soomaalinimo, Muslinimo, wadaniyad, nabad iyo dal jaceyl, wuxuuna ka mid ahaa dadka wanaagsan ee dalka, laakiin Alle ayaa oofsaday ee aan u duceyno” sidaa waxaa yiri Xaashi Jaamac oo ka mid ah odayaasha Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis.

Xubnihii Jaaliyadda ee iyaguna tacsida diray waxaa ka mid ahaa Sadiiq Warfaa iyo Siyaad Cali, waxayne sheegeen in shacabka Soomaaliyeed aanu hilmaami doonin kaalintii uu uga jiray Ugaasku nabadeynta dalka, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Axmed Cali Shuuriye oo ka mid ahaa qaban-qaabiyeyaashii kulankan tacsida ah ayaa u mahadceliyay ka soo qeybgalayaashii tacsida, wuxuuna sheeagay inay aad u taabatay geerida Ugaaska.

“Ugaas qiimo leh oo dhowrsan oo jeclaa dadka iyo dadka ayuu ahaa” ayuu yiri Axmed Shuuriye. “Wuxuu ahaa Ugaas ka dhex tilmaaman nabadoonada Soomaaliyeed, waxaana hubaa inaan tabi doono” ayuu sheegay Ugaas Ismaaciil oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ku nool gobolka Minnesota.

Odayaashii iyo Wax-garadkii kale ee Baroor-diiqda ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sh. Cali Bucul, Maxamuud Jaamac Muuse, C/llaahi Bashiir, Cabdi Daahir Yuusuf, Xaaji C/wahaab Owguure, Max’ed Siyaad Kheyre Cabdi Maxamed Guuleed Dhoombe, Suldaan Cusmaan Koofi, Ugaas C/naasir Ugaas Axmed iyo Injineer Cabdi Maxamuud Saleebaan (C/dheere).