Xoojinta wax qabadka hey’adaha iyo hufnaanta maaliyada soomaaliya oomaanta shir ku saabasni Muqdisho ka furmey.

0
560

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ka furay kulan laba maalmood socon doona oo ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee dalka.

Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo muhiimadda ay leedahay in si hufan loo dhiso hay’adaha, isla xisaabtanna uu jiro, arinkaasoo uu xusay inay saldhig u tahay in dhidibada loo taago hannaan dowladeed oo mustaqbalka wax-tar u leh Somalia.

“Waxaanu u baahan-nahay inaan hoos kasoo dhisno dhaqanka Dowladnimada dalka iyo ku shaqeynta sharciga iyo kala dambeynta. Shacabkeenna waxay soo mareen waayo mugdi ah oo keenay in la kala aamin baxo. Hawsha inoo taallana ma ahan mid yar – waana inaanu u wada-is-taagnaa sidii aan dib kalsoonidii dadka ka dhexeysay u soo celin lahayn, dalkana ugu sameyn lahayn dowlad tayadeedu ay sareyso,’’ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan wuxuu xusay inay jiraan caqabado isku-wada-xiran oo u baahan in xal guud loo helo, isagoo tusaale u soo qaatay sida mar walba ay isugu xiran yihiin horumarka, amniga iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.

Xasan Sheekh ayaa Beesha Caalamka ku ammaanay taageerada ay Somalia la garab-taagan yihiin, balse loo baahan yahay buu yiri in waddanka laga caawiyo waxyaabaha muhiimka ah ee dib u dhiska dalka dadajin kara.

“Ma jiro dal caalamka ka mid ah oo intuu burbur ku dhacay soo kabtey, iyadoon kaalmo caalami ah la siin. Haddaan Somali nahay waan qiraynaa in wax la inoo qabtay, laakiinse waxaan doonaynaa in tix-gelin gaar ah nala siiyo, iyadoo loo eegayo baaxadda dhibaatada nagu dhacday iyo waqtigan la joogo oo wax badan ay is-bedeleen,’’ ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in si dhaqaalaha horey loogu mariyo ay lagama maarmaan u tahay in la kobciyo kaabeyaasha dhaqaale, lana taageero qaybaha kala duwan ee bulshada ku hawlan ganacsiga, beeraha, kalluumeysiga iyo adeegyada kale ee wax soo saarka dalka.

Isagoo hadalkiisa ku daray inay muhiim tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado shaqo iyo barashada xirfado kala duwan, isagoo dhanka kalena sheegay in qoriga caarraddiisa oo qura aanu xal u ahayn dhibaatooyinka dhinaca ammaanka.

“Waxaa waajib dhammaanteen ina saaran ah inaan xooogga saarno laba arrimood oo kala ah dib u soo kabashada dhaqaalaha & horumarinta dhaqaalaha. Dhalinyaradeena intooda badan qoriga ayay ka raacsadaan noloshooda, ha noqdeen ciidan ama kuwo la shaqeeya kooxo fal-dambiyeed wada. Waa inaan dhalinyaradeena fursad u siinnaa inay dib u dhiska dalkooda kaalin ka qaataan. Waana inaan maanka ku haynaa in mustaqbalkeenna uu ku xiran yahay hadba waxaan beeranno hadda,’’ ayuu madaxweynuhu mar kale yiri.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in dhibaatada Somalia ku habsatay inteeda badan loo aaneynayo siyaasad xumo, si taas looga gudbana loo baahan yahay in siyaasadda waddanka ay dajiyaan dadka aqoonta u leh, ee ay ka go’an tahay inay dalkan ka saaraan marxaladda adag ee uu ku jiro.

Shirkaan ayaa waxaa ugu dambeyn hadalo kasoo jeediyay ergayga QM ee Somalia, danjire Nicholas Kay, wakiilka Bangiga Adduunka ee Somalia, Hugh Riddle, madaxda hay’adaha HESPI iyo ASAL oo soo qaban-qaabiyay kulankaan, Cali Ciise Cabdi iyo Raxma Axmed, mas’uuliyiin, dublamaasiyiin iyo marti-sharaf kale.