Khamiis, November 19, 2015 (HOL) — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta waxay isku raaceen in dib loo furo safaaradihii Soomaaliya ee la xiray bishii Luuliyo ee sannadkii 2014-kii, go’aankaasoo ay golaha wasiirrada Somalia ay horay u go’aamiyeen in la xiro.
Shirka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale warbixinno looga dhageystay guddigii loo diray inay soo kormeeraan xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo warar soo baxayay ay sheegayeen in isbedel lagu sameeyey Xadka u dhaxeeya labada dal.
Wasiirka Difaaca Somalia, C/qaadir Sh. Cali Diini oo hoggaaminayay wafdi ay dowladdu u dirtay inay soo kormeeraan xadka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya ayaa wasiirrada u sheegay inaysan arkin wax calaamado ah oo muujinaya ama tilmaamaya in isbedel lagu sameeyey xuduudda dalkeennu la wadaago Kenya, marka laga reebo god laga qoday meel u dhow caalamadda xuduudda oo xigta dhinaca Kenya.
Kulanka golaha wasiirada ee maanta ayaa waxaa kaloo looga hadlay dhacdadii dhawaan ka dhacday degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo ay ku geeriyoodeen shacab fara badan, iyagoo cambaareeyeen falkaas, iyagoo tacsi u diray ehellada shacabkii falkaas natooda ku waayay eheladooda, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad dhaqso ah.
Dhanka kale, golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa dood dheer kaddib isku raacay in dib loo furo safaaradihii Somalia ee horey loo xiray, iyadoo goluhu xusay in safaaradaha xiran baahi weyn ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed ee dalalkaas ku nool.
“Goluhu wuxuu ka noqday go’aankii ay gaartay xukuumadda 26-kii bishii Luuliyo 2014-kii oo dhigayay in la dhimo safaaradaha dalkeenu ku leeyahay caalamka. Haddaba, markii aan aragnay baahi badan oo dadkeennu u qabaan xirnaanshaha safaaradda, waxaanan isla garanay in sharcigaas dib u eegis lagu sameeyo, isla markaana la furo safaaradihii xirnaa,” ayuu yiri ku xigeenka RW-ha Somalia, Maxmaed Cumar Carte.
Waxaa shirka golaha wasiirrada warbixino looga dhegeystay wasiir-u-dawlaha wasaaradda Difaaca, Maxamed Cali Xagaa oo kormeer shaqo ku tagey degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Ugu dambeyn, wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia ayaa laga dhageystay xaaladaha la xiriira fataahadda wabiga iyo roobab lixaad leh oo ka da’ay deegaannada ka mid ah dalka, kuwaasoo dhibaatooyin geystay.