Maxkamadda denbiyda dagaalka ICC oo caqbado soo food saareen.

0
490

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ee uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa maanta marxalad adag wajihi doonto; iyadoo dalalka xubnaha ka ah maxkamadan ay ka doodi doonan shuruuc muhiimka ah oo ay maxkamaddu ku howlgalayso.

Mid ka mid ah qodobadda sida weyn looga doodi doono kulanka golaha ICC ee Hague waa go’aanka muranka badan dhaliyay ee tirsigiisu yahay 68, kaasoo ay waaxda dacwad-oogida u ogolaanaya inay adeegsadaan caddeyn marag-diiday inay marqaati sii ahaadaan.

Xukuumadda Kenya ayaa waxay si gaar ah ugu ololeynaysa in waddamada xubnaha ka ah golahan ay diiddan is-bedelkaas, kaasoo dowladda Kenya ay u arkto in loo adeegsanaayo dacwadda ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto iyo suxufiga Joshua Arap Sang, kawaasoo loo haysto dambiyo xuquuqda aadanaha ka dhanka ah.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika oo ay Koofur Afrika iyo Kenya horkaayaan ayaa waxay maxkamada keli ah ee dambiya caalamiga ah qaada ay ku eedeyaan inay dacweyso kusoo oogto oo keliya madaxda Qaaradda Afrika oo keliya.

Kenya ayaa u hadda carreysan maxkamada, iyadoo ku eedeynaya inay handado marqaatiga dacwadda dhanka ah William Ruto. Sidoo kale Koofur Afrika, waxay ku guul-darreysatay iyaduna xiridda madaxweynaha Suudaan Cumar Al-bashiir oo maxkamadda ay raadinayso.

Balse, madaxda ICC oo ay ka mid tahay madaxweynaha, Silvia Fernandenz iyo dacwad-oogaha, Fatou Bensouda ayaa waxay maxkamadda ku tilmaameen mid dhexdhexaad ah, waxayna ku doodeen in isbedelkan sharciga ICC uu noqon doono mid maxkamadda xal-dhexe ay ku raadineyso.

Ms. Fatou Bensouda ayaa waxay horey u laashay eedaha madaxweynaha Kenya ka dhanka ahaa, iyadoo ku dooday in markhaatiyaasha la laaluushay, loo caga-jugl-eeyay ama marag been ah ay bixiyeen.

William Ruto ayaa noqonaya madaxweyne ku xigeenka keliya ee isagoo xil haya ay kaga furan tahay dacwad maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ah ee ICC.

Ugu dambeyn, waxaa lala xiriirinaayaa rabshadihii sanadkii 2007-dii, waddanka Kenya ka dhacay, kaddib markii lagu murmay doorashadii dalkas ka dhacday. Waxaana la sheegay in qiyaastii 1,300 oo qof ay ku dhimatay; malaayiin kalena way ku barakeceen.