Golaha xukuumada soomaaliya ayaa warbixin ka dhegeystey gudigii loo direy dhawaan in ay soo ogaadaan sida wax uga jiraan eedeymaha loo soo jeediyey dawlada kenya taas oo la xiriita kenya oo wax ka bedelid ku sameysey xuduud beenaadka u dhaxeysa labada dal waa Kenya iyo Soomaaliya.
Afhayeenka xukuumada oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in gudigu warbixintooda ku sheegeen in aaney jirin wax la taaban karo oo ka muuqda xuduud beenaadka u dhaxesa labada dal balse ay jiraan waxyaabo farsamo u baahan oo ay ka tashan doonaan golayaasha dawlada soomaaliya waa xukuumada iyo barlamaanka.
Warbixinta golaha xukuumadda ayaan aheyn mid xaqiiqda ka turjumeysa ayna ka muuqatey hadalka afhayeenka mid wax lagu duug duugayo una janjeera dhinaca hadalkii dhawaan ka soo baxey kenya oo sheegayey in soomaaliya iyo kenya ay si hoose u wada hadlaan,balse waxaa la ogaan doonaa markii barlamaanku dhegeysto warbixinta gudigan oo hore uu u soo jeediyey in loo diro xuduuda ka qeybisa Soomaaliya iyo Kenya.