SHir ay maanta yeesheen xubnaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ee puntland uuna gudoominayey wakiilka xmjs ee puntland C/fitaax Maxamed ayaa hamalyo iyo bogaadin waxey u direen R/W Cumar C/rashiid iyo m/weynaha Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed iygoo uga mahad celiyey sidii habooneyd ee nabadu ku jirtey ee maxaabiista loo kala wareejiyey.
DHanka kale waxey xubnuhu cambaareeyeen maamulka puntland sida ay u siyaasadeynayaan colaada ka soo cusboonaatey G/kacyo!! waxaan u sheegeynaa bay yiraahdeen maamulka puntland hadii ay kusii socdaan waxa aan arkeyno in aan qaban qaabin doono kacdoon shacab oo ka dhan ah maamulka puntland.
Ugu danbeyntiina waxaa qoraalka lagu yiri shacabka G/kacyo waa walaalo aan u baahneyn colaad iyo in siyaasad lagu raadiyo dhiigooda,mana aqbali doono maamulkii aan ku aragno in uu ka faa’iideysanayo dhibaataynta shacabka,waxaanan ugu baaqeynaa shacabka G/kacyo in ay midoobaan dhana uga soo wada jeestaan cidda hagar daameyneysa ee aan danahooda ka turjumeyn.





