Dawlada faransiiska ayaa shaacisey in la diley nin ay sheegeen in uu ka danbeeyey weeraradii dalka faransiiska ka dhacayey oo uu ugu darnaa kii ay ku dhinteen in ku dhaw 130ka qof oo muwaadiniin faransiis ah.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegey Xamiid abu Cuud ayaa booliska faransiisku sheegeen in lagu diley hawlgal boolisku fuliyeen ninkan ayaa meydkiisa waxaa lagu arkey rasaas iyo firir qaraxyo oogadiisa ku dhacey.
Booliska faransiiska ayaa sheegey in ay warbixin laa xiriirta ninkan ka heleen dawlad aan midawga yurub ka mid aheyn,dawladaas oo magaceeda la qariyey,iydoo la xaqiijiyey in uu yahey Xamiid abuu Cuud kadib markii laga qaadey faraha,lamana ogeyn in uu Xamiid ku suganyahey dalka faransiiska gudihiisa.
Waa markii ugu horeysey ee faransiisku sheego in uu dhintey oo ay dileen cidii ka danbeysey weeraradii faransiiska ka dhacey beryihii la soo dhaafey mana jirto cid xaqiijisey sheegashada booliska faransiiska.