Kulan balaaran oo maanta ay isugu yimaadeen xisbiyada siyaasadeed ee dalka soomaaliya ka jira qaarkood,kulankan oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golaha xisbiyada soomaaliyeed Muxiyadiin Maxamed Cali ayaa waxaa lagaga hadley qodobo dhawr ah oo wax ku ool ah.
Kulankan ayaa waxa uu ka dhacey Xarunta dhexe ee xisbiga DALJIR,iyadoo dood iyo falanqeyn kadib waxaa leysku raacey;
a) in la dadejiyo hirgelinte iyo meel marinta hindise sharciyeedka axzaabta dalka.
b) in xisbiyada siyaasada dalku ay si wada jir ah uga qeyb galaan shir ka dhacaya 21ka bishan magaalada muqdisho kaas oo ay soo qaban qaabisey wasaarada arrimaha gudaha,loogana hadli doono xeerka qabyo qoraalka xisbiyada siyaasadeed ee dalka.
c) in xisbiyada siyaasadu joogteeyaan kulamadooda,yeeshaana hadaf iyo aragti midesan oo la xiriita higsiga 2016ka,isla markaasna aysan jirin wax kale oo looga gudbi karo 4.5 qabyaalada ku saleysan.
Kulanka ayaa waxa uu kusoo gabangaboobey jawi hagaagsan iyo is afgarad,mana aha markii ugu horeysey ee xisbiyada siyaasadeed ee dalku isu yimaadaan kana wada hadlaan sidii loo mideyn lahaa fekerka guud ee xisbiyada siyaasada dalka kaas oo danta guud ee qaranku ku jirto,