Ciidamada maamulka GALMUDUG iyo Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ku dagaallamay deegaanno hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa billowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisan ay ciidamada GALMUDUG ku lee yihiin deegaan lagu magacaabo Qosoltire oo hoos taga degmada Xarardheere.
saraakiisha GALMUDUG ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bartooda kusoo weerareen, balse ay eriyeen kooxdii weerarkii soo qaadday, ayna ka dileen dhowr ka mid ah.
Sidoo Kale waxa uu sheegtay inay dileen afar ka mid ah Dagaalyahanada Al-Shabaab, qaarna ay gacanta ku dhigeen, halka dhinacoodana ay ka dhaawacmeen laba askari.
Waxa uu beeniyey warar sheegaya in sarkaal ka mid ah ciidamada GALMUDUG lagu dilay dagaalka.
Ma jiraan war madax banaan ah oo laga heli karo oobta dagaalka uu ka dhacay, oo aysan ku sugneyn wax dadweyne ah.





