Ujeedka safarka madaxdani ayaa ah sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dadaallada nabadeed ee la doonayo in lagu hakiyo colaaha ka dhex aloosan maamullada Puntland iyo Galmudug.
Safarka masuuliyiintani ku aadayaan Garoowe ayaa kusoo beegmaya ayadoo shalay magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen dagaallo dhexmaray ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaa oo sababay khasaarooyin isugu jiray dhimasho, Dhaawac iyo barakac.
Waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa ku baaqayaan in la qaboojiyo xiisadaha ka aloosan Gaalkacyo.
Dadka Soomaaliyeed waxa ay mudo dheer kusoo jireen burbur iyo dagaallo sokeeye oo dad badan ay dalkooda uga qaxeen, waxaana dadku ay imika u baahanyihiin nabad iyo horumar maadaama ay Soomaaliya ka curatay dowlad, islamarkaana dalku qaatay nidaamka federaalka oo dowlad gobleedyo ay ka dhismeen inta badan gobollada dalka.





