Waxaa magaalada Cadaado gaaray wafdi uu
hogaaminayey taliyaha ciidamada booliiska
Soomaaliya, Jeneraal Maxamad Sheekh Xasan
Xaamud oo mudooyinkan ku sugnaa Puntland waxaana Taliyaha iyo wafdigiisa ay marka hore ka amba baxeen magaalada Gaalkacyo, iyadoo safarka ay ku tageen magaalada Cadaado uu ahaa safar
dhulka ah.
Madaxda maamulka Galmudug iyo saraakiil
ciidan ayaa magaalada ku soo dhaweeyey
taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya iyo
wafdigiisa.
Mudane Xaamud ayaa kulan la qaatay madaxda
maamulka Galmudug, kaasi oo dhacay xarunta
madaxtooyada maamulka ee Cadaado, iyadoo
kulankaan looga hadlay baahiyada ciidanka
booliiska Galmudug iyo xoojinta wada-
shaqeyntynta ay la leeyihiin booliiska dowladda
federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug,
Maxamad Xaashi Cabdi oo sidoo kale ka hadlay
hadlay kulanka ayaa sheegay inuu safarka
taliyaha booliiska Soomaaliya muhiimad weyn u
leeyahay maamulka Galmudug.





