“Muungaab” Wasaaradda Amniga Waxa Ay Gacmaha Kula Jirtaa Howl Aan Teedii Aheyn, Oo Maamulka Gobolka U Gaar Ah.

0
460

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta hor istaagey dhisme ay dooneysey in mid ka mid ah hay’adaha QM ay ku xirto
waddo ag marta xafiiskooda.

Wasaarada Amniga Qaranka ee
dowlada federaalka ah ee Soomaaliya
ayaa la sheegy in ay hay’addan QM ka
tirsan ruqsad u siisey inay qaado
tallaabadan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan
Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa ku
eedeeyey wasaaradda amniga in ay
gacmaha kula jirto howl aan teedii
aheyn, oo maamulka gobolka Banaadir
u gaar ah.

Mr.Muungaab waxa uu ku dooday in
sharciga uu dhigayo in arrimaha la
xiriira waddooyinka magaalada
Muqdisho ay tahay howsha maamulka
gobolka Banaadir, balse aysan wax
shaqo ah ku lahayn dowladda
federaalka.

Cabdirizaaq Cumar, Wasiirka Amniga Qaranka oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino
eedeymaha loo jeediyey
wasaaraddiisa, ayaa ka gaabsaday
inuu ka jawaabo.